Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab & dowlada Somalia oo War ka soo sartay

Dowlada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn xalay ciidamadeeda oo kaashanaya kuwa Maraykanka ka fuliyeen degaanka Kuunyo-barow ee gobolka Sh/hoose.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo ku qoran Somalia iyo English isagoo faahfaahsan.

WAR-SAXAAFADEED

Habeenkii xalay , 5-ta Maarso, 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn cirka ah la beegsaday argagaxisada Alshabaab ee ku sugan nawaaxiga Kuunyabarrow ee Soomaaliya.

Weerarkan duqeynta ee laga soo shaqeeyey ayaa lagu dilay hal qof oo ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Duqeyntan iyada ah iyo guulahii dhawaan laga soo hoyey duullamadii dhulka ayaa tusaale u ah in DFS iyo bahwadaageeda Mareykanka ay ku dabajiraan jabinta kuwa argagaxiya dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan

Hogaanka Alshabaab ayaa horey u caddeeyey in weeraradooda ay la beegsanayaan dowladda Soomaaliya, saaxiibada Geeska Afrika, Dowladda Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee aduunka oo idil.

Hubin ay sameeyeeyn imanka DFS iyo Mareykanka ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymahan cirka ah ee la qaaday.

Dowrka Mareykanka uga aadan dadaalada caalamiga ayay Ciidanka AFRICOM iyo Hay’adaha kala duwan ee Mareykanka ka caawiyaan dowladda Soomaaliya hawlaha u yaalla ee ay iyadu hormuudka ka tahay oo ku aadan ka hortagga iyo iska caabinta in ururrada argagaxisadu soo abaabulaan kharbudaad ballaaran.

Dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ayay uga soo horjeedaan Alshabaab iyo gaboodfallada ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -