Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Xeebta Liido iyo Beerta Nabada kula damaashaaday Shacab badan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda Ciidda kula qaatay kumannaan dadweyne ah oo u tamashle tagay.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bulshadii uu la kulmay u rajeeyey nabad iyo farxad waarta, isaggoo kula dardaarmay inay kaalin ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed ee farxadda Ciidda ku qaadanaya qaar ka mid ah goobaha lagu damaashaado ee caasimadda, Waxaan dalkeenna u rajeynayaa nabad iyo farxad waarta ciiddan iyo ciido badan oo xiga” ayuu yiri R/W Rooble.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana caruur iyo dad kala duwan sawirro kula galay Xeebta Liido iyo Beerta Nabada, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha dadkii uu la kulmay ugu hambalyeenayay munaasabada ciida .

Related posts

Wadahadalo cusub oo u furmaya Mareykanka iyo Taliban (Maxaa looga hadlayaa?)

Caydiid Ali

Xaaladda Jubbaland oo weji cusub yeelatay kadib markii Beesha Caalamku shaacisay..

admin

Danjire Danjire Cali Cabdi Awaare oo lagu soo dhaweeyay xarunta Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---