Daawo Sawirada: Munaasabad Qurux badan oo loo qabtay in ka badan 500-Arday oo ka qalin jabisay Jaamacada SIU

Qalinjabis aad u heer maamuus sareeyay  oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Golaha shacabka PROF . Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari, Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare mudane Cabdirxmaan  Daahir Cusmaan, Gudoomiyaha Jaamacadda SIU, Mudane Shaafici Diiriye Cabdi, maamulka, macalimiinta Jaamacadda, madax ka socotay Jaamacadaha Makerere, Kenyatta,Gulu iyo Nairobi, xubno ka tirsan Goloha shacabka, gudoonka gobolka banaadir ayaa  lagu qabtay caasimadda Soomaliya ee Muqdishu.

Ardaydan oo tiradood ahayd 558 ayaa waxay ka qalinjibiyeen ilaa afar kasmo: Kasmadda culuumta caafimaadka, Kasmadda culuumta ganacsiga iyo dhaqaalaha, kasmada cilmiga ingineerinka iyo kumbuyuutarka, iyo kasmadda culuumta arimaha bulshadda iyo bini’aadantinimadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka  PROF. Maxamed Sheikh Cusmaan  ayaa ku  booriyay ardayda  ka qalin jebisay jaamacadda in ay sii laba laabaan wax barashadooda  isla markaana ku dadaalaan horumarka dalkooda hooyo .

“ Hadda waxaa idiin bilaabtay jaamacadda aad ka soo baxday mid ka weyn; waxaa idiin bilaabtay Jaamacadda nolasha aduunka, maadaama aad waxbarateen waxaa la idan karabaa in aad dalkiina wax u qabtaan, waan in aad idinku shaqooyin abuurataan (Self-employment” Gudoomiye Jawaari ayaa saas yiri.)

Dhanka kale, Gudoomiyaha Jaamacadda SIU Mudane Shaafici Diiriye Cabdi oo asna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay ardayda ka qalinjebisay jaamacadda iyo waalidiintooba.

Gudoomiyaha ayaa ardayda ku dhiiri galiyay in ay bulshadda ugu faa’iideeyaan celmiga iyo khibradaha ay ka barteen intay jaamacadda dhiganayeen. “ maanta waad qalinjabiseen laakiin waxaa indanka horyaala mas’uuliyada adag oo ay ka mid yihiin in aad ku shaqaystaan xirdahaha aad barateen, bulshaddana wax ku soo kordhisaan”

Aqoonyahada ka socdoy Jaamacaddah dibada ee qalinjabiska ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa:Hajjat Fatumah Nakatudde,Dr Apiyo Paska, Prof: William Ogara iyo Pro David Minji

Waalidiin, xubno ka mid ah ah ardayda qalinjabisay iyo mas’uuliyiin kale ayaa hadlo ayaguna dhinacooda ka soo jeediyay munaasabada qalinjabiska Jaamacadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -