Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Laftagareen oo labo dalab hor dhigay danjire Alberto Vecchi (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad-goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kulan kula qaatay Danjiraha dowladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Laftagareen iyo Danjire Alberto oo kulankooda Saacado qaatay ayey uga wada hadleen xaalidihii ugu dambeeyey ee dalka iyo doorka talyaaniga ee arrimaha dalka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleed Koonfur Galbeed ayaa ka codsaday safiirka talyaaniga in dowladiisa ay xoojiso Taageerada ku wajahan Howlgalada socda ee lagu Ciribtiraayo Al-shabaab.

Sidoo laftagareen ayaa ka dalbaday safiirka talyaaniga sidii loo taageeri lahaa wax soo saarka Beeralayda ku dhaqan degaanada Koonfur galbeed oo ka mid ah gobolada ugu kheyraadka Somalia dhinaca wax soo saarka.

Kulanka ayaa ku dhamaaday jawi isgarad sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed waxaana ka qeyb galay kulankaas La-Taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Arimaha Soomaaliya Marwo Anita kiki Gbeho.

Madaxweyne Laftagareen iyo Anita kiki kulan kooda waxay diirada ku saareen Howlgalada socda,Abaaraha ka jira Dalka,Mashaariicda Hormarineed, iyo Dardargelinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo howlgal ku dilay 7 ka tirsan Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Britain oo ka fiirsanaya inay joojiyaan hubka ay ka iibiyaan Israa’iil

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---