Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiir Huruse oo aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay Mr. Nithavrianakis

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeena danjire Michael Nithavrianakis.

“Dalkeena iyo boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan, waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka” ayuu yiri mudane Huruuse.

Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa intaas ku daray in dowladda Ingiriisku aheyd dowladdii ugu horaysay ee wadamada reer galbeedka ka tirsan ee safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna burburkii ka dib.

“UK ayaa ahayd dowladdii ugu horaysay ee wadamada Galbeedka ka tirsan ee Safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna 2013” ayuu yiri Abshir Cumar Jaamac.

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa maalmaha soo socda la kulmaya Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud si uu ugu wareejiyo warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaanad sabab lama filaan ah ugu geeriyootay Masrax ay heeso ka qaadeysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Sanbaloolshe oo ku sugan Itoobiya iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Maxkamad is’hortaagtay go’aankii Kenya ku xireysay xeryaha qaxootiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---