Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Xasan Daahir oo dhaliilay sida dowladu u wajahday kiiska dilkii Axmed dowlo

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mida ahaa saraakiisha Al-shabaab balse xabsi Guri ugu jira dowladda Federaalka ayaa ka hadlay kiiska muranka badan dhaliyay ee guurka la heyb soocay ee sababta u noqday dilkii arxan darada ahaa ee loo geystay Axmed Mukhtaar Salaad (Axmed Dowlo)

Shiikh Xasan Daahir oo muuqaal uu soo duubay baraha bulshada la soo dhigay ayaa sheegay in dilka Axmed Dowlo uu ahaa mid laga naxo oo diinta islaamka iyo dadnimada aan ku bannaaneyn, isla markaana ay ka sii xun tahay sida loo maamulay, isagoo cambaareeyay qaabka arrinta u gashay dowladda Federaalka.

Sheekha Xasan Daahir ayaa dhaliilay sida ay arrinta uga hadleen Xildhibaan iyo siyaasiyiin sheegay inay aroos qaran u dhigayaan lammaanaha sababay geerida dhacday iyadoo ay dhibaato kala dhex taallo labada Qoys ee Gabadha iyo Wiilka.

“Arrinta dhacday yaan la marin Habaabin, waxay ahayd in dilka dhacay sharciga la waafajiyo.. Waxaan leeyahay .. Gabadha Wiilka Ma dhaqmi karaan ilaa la helo laba arrimood: qeyb waa in Islaax lagu dayo, qeybna dadka Xaqa qaba in laga Gooyaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo Qeybaha bulshada ayuu ugu baaqay in loo gurmado caruurtii uu ka tagay Marxuumka halkii aroos lagu dul sameyn lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Filim laga sameeyay weerar Al Shabaab ka geesteen Mandera oo abaalmarin caalami ah u tartamaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Saxiixay sharci ay Meel mariyeen labada Aqal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Booqday Ciidamo isku dhaf ah oo Dagaal loo diyaariyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---