Allbanaadir.com
NEWS

Burcad hubeesan oo lagu qabtay xaafad katirsan magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan ee dadka shacabka ah dhaca ugu geesta xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska saldhigga degmada Xamarweyne ayey kusoo qabteen labo kamid ah burcadda hubaysan ah ee dadka shacabka ah baarta xiliyada habeenkii ah, kuwaas oo xalay ciidanku ka qabteen isla degmada Xamarweyne.

Ciidanka ayaa ragan burcada ah qabtay iyaga oo wata qoriga AK47 iyo Moota bajaaj, waxa ayna dhacayeen xiliga la qabanayay labo qof dumar ah oo marayay agagaarka kawaanka maleeyga ee degmada Xamarweyne.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ciidamada booliiska howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayeyu kusoo qabteen kooxo burcad hubeesan oo siyaabo kala duwan dhac ugu geesanayay dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqoon-isweydaarsi looga hadlay horumarinta xirfadleyda Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

HOLLAND: Urur Soomaali ah oo kaalinta 2aad ka galay tartan loo qabtay 346 ururo

admin

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Fei Shengchao (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---