Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen iyo Wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade.

Lama oga illaa hadda ujeedka safarka Laftagareen balse qoraal ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed ayaa lagu sheegay in socdaalkiisu yahay safar shaqo oo aysan fahafaahin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo Gudoomiyey Shirka Gollaha Wasiiradda oo looga hadlay Amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhaariyey Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha oo ka mid ahaa Wasiiro uu dhowaan Magacaabay Madaxweynaha.

Related posts

Buug laga qoray Nolosha Jeneraal C/llaahi Gafow oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil  ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Trump oo ka carooday cod mar kale si qarsoodi looga duubay oo la baahiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---