Daawo Sawirro: Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay rag burcad ah

Ciidamada amaanka ayaa maanta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad dhac u geesata dhalinyarada Jaamacadaha ka dhigta Muqdisho.

Burcada la qabtay oo labo nin aheyd ayaa xiliga la qabanayay watay mooto ay dhac ku geesanayeen, waxa ayna si gaar ah u beegsanayeen dhalinyarada Jaamacadaha oo ay ka qaadanayeen Moobeelada iyo Laptobyada sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Hodan.

Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa sheegay ciidamada amaanka oo roondo ku jiray in ay gacanta ku dhigeen labadan nin oo dhac u geesanayay arday dhigata Jaamacad kutaala Degmada Hodan.

Ciidamada amaanka oo malamihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeesan oo inta badan dhac iyo dhibaatooyin kale u geesanayay dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -