War Deg Deg Ah: Ciidamada Somaliland oo dagaal kula wareegay deegaano ay joogeen Ciidamada Puntland

Waxaa saakay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Punltand uu ka qarxay gobolka Sool gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Tukaraq.

Saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland saakay weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidankooda ku lahaayeen Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka ku qabsadeen  deegaanka Tukaraq ee weerareen, waxa ayna Ciidamada maamulka Puntland isku dayayaan in dib ula wareegaanka deegaanka.

Labada Ciidan ayaa hada ku dagaalamaya deegaanka kale oo lagu magacabao God Qaboobe oo kuyaala Duleedka ukaraq , waxaana dagaalka la isku adeegsanaya hub culus, waxaa sidoo kale labada ciidan ee dagaalamaya kala gaarayaan gurmadyo xoogan .

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada maamul ee ciidankoodu dagaalamayaan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu booqasho ku joogo degaanada maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -