Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhawaajiyay arrin dambi weyn ah oo lagu muddan karo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo ladagaallanka Maalgelinta Argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“.ayuu yiri Xamse Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ay leedahay Shirkada Black Water oo kusoo degtay Xadka Somalia iyo Kenya

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay in ay dishay xubno katirsan Al Shabaab hubna kasoo furatay

Cabdi Cade

Mustafe Cagjar: “Soo-celinta astaamihii Soomaalinimo waa Waxqabadkeena ugu weyn”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---