Allbanaadir.com
NEWS

Roob baraf wata oo ka da’ay qaybo ka mid ah Kenya iyo dadka oo hadal haya

Dalka Kenya qeybo kamid ah isbuucan waxaa ka da’ay roob baraf wata , kaa oo saameyn badan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana roobka barafka wata si weyn u hadal haya shacabka dalkaasi.

Deegaanka Laikipia ee dalka Kenya ayaa dadka ku dhaqan Talaadadii kusoo tooseen cimilo ka duwan kii horey u arki jireen, waxa ayna dadka arkeen waddooyinka iyo xaafadaha oo baraf badan yaallo uuna ka jiro qabow daran.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in sawirro ka qaadaan sidoo kale soo duubaan  baraf fafadhiya waddooyinka iyo aagagga ku dhow deegaanka Nyahururu sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha Kenya.

Gaadiidka dadweynaha iyo dadka lugeenaya ayaa dhibaato badan kala kulmay waddooyinka ay fadhiisteen barafka, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka qaarkiis inta barafka waddooyinka fadhioyeen.

Dalka Kenya ayaan horey looga baran in uu ka da’ roob baraf wata, waxa ayna inta badan ka daawan jireen waddamo kale oo caalamka katirsan oo ka da’ayo roobab baraf wata, waxaana hadda bilowday xilligii qaboobaha dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo huwan ah oo goordhaw Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Qaayib

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo fatwo ka soo saartay doorashada Somalia, Coronavirus & dagaalka bariga Afrika

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo dilal ka geestay Muqdisho iyo Faahfaahino laga helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---