Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo ka hadlay dadkii xalay lagu laayay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee xalay lagu laayay dad kasoo jeeday Deegaanada Koonfur Galbeed oo ku noolaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax laga naxo tahay in hal habeen 10-qof si arxan daro ah loogu dilo Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxa uuna maamulka Galmudug iyo dadka reer Gaalkacyo uga baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dambiilayaasha.

“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud

Dilka xalay dad badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya loogu geestay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si isku mid ah cambaareeyay siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada federaalka iyo maamulada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshe ay wateen Xildhibaanada Dir iyo Digil & Mirifle oo fashilmay iyo Maareeye oo runta sheegay

Cabdi Cade

Ciidanka Booliska oo fagaare ku gubay Khamri badan oo lagu soo qabtay howlgal (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax lagu aasay meel ku dhaw Masaajid kuyaala Muqdisho oo la fashiliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---