Beesha Caalamka oo war kasoo saartay qaladaadka doorashada Baaqna u dirtay Madaxda dalka

Wakiiladds Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dardargelinta doorashada iyo sidii loo sixi lahaa khaladaadka ka jira doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay in muhiim tahay saxida qaladaadka doorashada in loo maro habraac sax ah oo daahfuran si loo dhiso kalsoonida geedi socodka doorashads.

”Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba. Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed” ayaa qoraalka beesha caalamks.

Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.

”Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada”ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

- Advertisement -