Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo guuray Dhuusomareeb iyo qorshaha xiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay saldhig ka dhigtay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas uu ka hoggaaminayay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xasan Sheekh ayaana caasimadda Galmudug ku sugnaa muddo ka badan labo bilood, waxa uuna madaxweynaha halkaasi ka waday abaabulka howlgalo la doonayay in Al Shabaab looga saaro Galmudug, gaar ahana bariga gobolka Galgaduud oo wali Al Shabaab joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in agabkiisa kasoo qaatay magaalada Dhuusomareeb dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan fashilmay  qorshihii xureynta bariga Galgaduud .

Ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh iyo shaqaalaha kale ee xafiiskiisa ayaa sidoo kale la tilmaamay in qaarkood shalay lasoo tageen magaalada Dhuusomareeb, halka kuwa harsana la filayo in maanta soo laabtaan.

Howlgalka uu hoggaaminayya madaxweyne Xasan ee ka biloawday Galmudug ayaa bulshada Soomaaliyeed niyad badan u hayeen, hasa ahaateen howlgalkaasi ayaa noqday mid shiiqay, kaddib markii ciidamada dib uga soo baxeen degmooyin ay horey u qabsadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaana wararku sheegayaan in uu u baxayo safaro dalka dibadiisa ah, si uu taageero dheeraad ah ugu raadiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo shaacisay in qabatay xubno la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Camp Simba

Cabdi Cade

Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka oo mar kale lagu gubay dalka Sweden

Caydiid Ali

Shaki soo kala dhaxgalay Janan iyo DF & Cumar Filish oo digniin culus siiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---