Aqalka Sare oo cod u qaaday Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuqa (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay dhismaha Gudiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Aqalka sare oo maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad, ku yeeshay xarunta Golaha Aqalka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ajanduhu ahaa  akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Dhisidda Guddiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa waxaa soo xaadiray 31 mudane.

Gudoomiyaha  Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor akhrisay Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad, waxaana Intaa ka dib goluhu cod galiyay Hidise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, iyagoo ansixiyay dhamaan Senatorada soo xaadiray kulanka oo ahaa 31.

Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Abuukate Xasan Xuseen Xaaji, iyadoo kulanka uu shir guddoominyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -