Farmaajo oo ka hadlay ciidanka Eritreya ku maqan & sababta loo soo celin waayey

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamada DF ee tababarka ugu maqan dalka Eritreya

Farmaajo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha cusub ee Somalia Ā ku wareejiyey galka iyo Dokumentiga ciidamo 5000 kun gaaraya oo tababar ugu maqan dalka Eritrea.

ā€œShan kun oo askari ayaan tababar u geynay dalka Eritrea waxay tababarka dhameysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay soo celintooda inaysan saameyn doorashada dalka, haatana waxay diyaar u yihiin iney dalkooda ku soo laabtaan, lana diriraan argagaxisada ā€.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegey in sidoo kale Madaxweynaha cusub uu ku wareejiyey dokumentiyo fara badan oo ku saabsan Hawada, Barnaamijka deyn cafinta, codsiga Somalia ee Xubinimada Golaha amaanka Qaramada Midoobey iyo Xeerka doorashada.

Waxaa uu xusay in hantida dadka Soomaaliyeed ay sideedii tahay, isla-markaana uusan jirin wax dhul danguud ah oo ay dowladiisu bixisay.

“Kiiskii badda oo aan ku guuleysanay, hawadii oo aan soo celiney, dhulkii iyo dhismayaashii dowladda oo sidoodii ah oo aanan cidna mulkiyad siin ayaan kugu wareejinayaa Madqxweyne Xasan”.ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey Munaasabad ka dhacday maanta Villa Somalia oo uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -