Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhimasho geystay oo Maalintii labaad ka socda..

Rasaas ayaa laga maqlayay maanta oo dhan deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45km u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaasoo tan iyo shalay ay ku dagaalamayeen maleeshiyo beeleedyo halkaas wada dega.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo dhaawacyo badana loo kala qaaday magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Illaa hadda lama oga sababta keentay dagaalkan u dambeeyey balse dhawr jeer oo hore ayay maleeshiyooyinka beelaha Saleebaan iyo Ceyr ku dagaalameen Xananbuure.

Ciidamada dawladda ayaa kala dhexagalay dagaalkii kan ka horeeyey oo dhacay bilo ka hor, waxaana labada beelood loo qabtay shirar lagu heshiisiinayo inkastoo kulamadaasi waxyaabihii lagu gaaray aan la fulin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar uu dhalay Elman oo lagu dhax dilay xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade

Hub lagu soo qabtay howlgal oo lagu soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Taliye kuxigeenadii NISA ee xilka laga qaaday oo xil cusub loo magacaabay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---