Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo dagaal adag la galaya argagaxisada oo la diyaariyay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta tababar rasmi ah usoo xiray Dufcaddii 4-aad ee ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Maritime Police Force (PMPF).

Madaxweyne Siciid Deni ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda, isagoo ciidamada cusub ku dhiirrigeliyey inay door weyn ka qaataan hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Wuxuuna Madaxweyne Deni u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo muddo badan ka shaqeynaysay gacantana ku haysay tababarka iyo diyaarinta Ciidamadan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen Cabdirabi Cabdisamed, Agaasime Ku-xigeenka PMPF Maxamuud Salaal Cumar, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo marti sharaf kala duwan .

Related posts

Dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska R/Wasaaraha oo gabogebo mareysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Koonfur Galbeed oo si adag uga hor timid go’aankii kasoo baxay guddiga Doorashada

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Shirka uu iclaamiyay Farmaajo iyo halka lagu qabanayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---