Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Koonfur Galbeed oo si adag uga hor timid go’aankii kasoo baxay guddiga Doorashada

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay go’aankii kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal ee lagu laayay natiijada saddex kursi oo kamid ahaa kuraasta lagu doortay Baydhabo.

Qoraal caawa kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyay in ay ka xun yihiin habdhaqanka Guddiga FEIT oo ay sheegeen in uu ka dhax jiro musuqmaasuq baahsan iyo sidoo kale kala qeybsanaan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu aad uga xun yahay habdhaqanka Guddiga FEIT, musuqa baahsan ee ka dhex socda iyo kala qeybsanaanta ku timid xubnaha Guddiga.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka.

Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS.

Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa keena dhulgariirada? Maxaase sababay iney ku soo bataan dalka Turkiga?

Caydiid Ali

DEG DEG: Qaraxyo & Weerar toos ah oo ka dhacay Ankara

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo ka digay gaari Miineysan oo ku jira Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---