Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo bur burisay  Isgaarsiinta magaalo kutaala dalka Kenya

Dagaalyhano hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxa ayna bur buriyeen isgaarsiinta magaalo kutaala gobolkaasi.

Taliyaha booliska magaalada Wajeer Stephen Ngetich ayaa Warbaahinta u sheegay in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab hub culus ku dhufteen xarunta Safaaricm ku laheyd magaalada Katulo.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen magaalada Katulo ayaa dhacay Axadii shalay, waxaan go’ay isgaarsiintii magaalada, iyadoona adkaatay in ay xiriiraan ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada iyo ciidamada ku sugan Ceel Waaq.

Al Shabaab ayaa maalmo kahor sidan oo kale u weeraray deegaano kuyaala gudaha dalka Kenya, waxa ayna weerarkaasi ku dileen ciidamo katirsan Kenya halka ay sidoo kale gaadiid ku qabsadeen.

Dowlada Kenya ayaa marar badan sheegtay in ay adkeeneyso amaanka xadkeeda, hasa ahaatee Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa xili kasta xadka ka gudbi kara weerarana ka geesan kara gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho 

admin

Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda A/dibadda oo laga furay Garowe (Sawirro)

Cabdi Cade

Carruur gaari kala soo baxsaday hooyadood oo la qabtay iyo Sababta ku kaliftay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---