Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la ogaaday (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo xubno la socda ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Axmed Madoobe iyo wefdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan labada aqal, wasiiro katirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho ku yimid ka qeybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo khamiista Muqdisho ka dhaceysa.

Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaal Afrikan ah ,wasiiro iyo madax ka socota qaar kamid waddamada caalamka oo lagu casuumay.

https://www.youtube.com/watch?v=afPUagmpkmU

Related posts

Duqa Muqdisho oo u hanjabay dadka ka cabsanaya Al Shabaab ee dhuumanaya

Cabdi Cade

Jilaaga Caanka ah ee Amitabh Bachchan iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo isbitaal la dhigay

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka hadlay weerar ay xalay ku dileen xubno katirsan Daacish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---