Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo qorshayaal cadcad la tageysa shirka Spring Meetings

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Gu’ga π’π©π«π’π§π πŒπžπžπ­π’π§π π¬πŸπŸŽπŸπŸ“ ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hey’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daarranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi iImaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Imaam Masaajid oo tilmaan xun ka bixiyay Calanka Faransiiska oo dalkaasi laga eryay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo lagu dhaliilay duulimaadyada ay mudada kooban fasaxday

Caydiid Ali

Gabar aflagaado iyo hanjabaad u geesatay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---