Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa si lama filaan ah u baaqday, kaddib cabsi xoogan oo laga muujiyay mooshin xil ka qaadis ah oo xildhibaano badan ay ka wadaan Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Mooshinkan oo ay saxiixeen in ka badan 70 xildhibaan ayaa Guddoomiyaha lagu eedeeyay musuqmaasuq, jebinta dastuurka, marin habaabin Golaha, iyo inuu Baarlamaanka u rogay laan hoosaad ka tirsan Villa Soomaaliya, isagoo fulinaya ajendayaal gaar ah oo la sheegay in ay Madaxtooyadu leedahay, halkii uu u istaagi lahaa ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada dalka.
Dareenka xildhibaanada ayaa gaaray meeshii ugu kululaa kaddib markii dhowaan Guddoomiyaha Baarlamaanka uu si aan loo marin habraacyadii sharciga ahaa ugu dhawaaqay in uu xasaanadda ka qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib. Tallaabadaas ayaa si weyn looga horyimid, iyadoo xildhibaano badan ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, kana hor imaaneysa dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha.
Xildhibaan Abiib ayaa dhowaan si cad ugu eedeeyay dowladda federaalka ah ku takrifal awoodeed, musuqmaasuq baahsan, iyo inay si toos ah u farageliso hawlaha Golaha Shacabka, taasoo sababtay in laga takhaluso iyadoo la adeegsanayo magaca Baarlamaanka.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa rumeysan in qorshaha xasaanad ka qaadista uu yahay mid si toos ah uga yimid Villa Soomaaliya.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa noqon karta mid dhaawacda sumcadda iyo madax-bannaanida Golaha Shacabka, waxaana la filayaa maalmaha soo socda in ay arrintani gasho wajiyo cusub, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay indhaha ku hayaan jawaabta Guddoomiyaha iyo talaabada xigta ee xildhibaanadu qaadi doonaan.