Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Galdmudug

Taliyihii hore ee ciidanka ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa caawa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Galgaduud.

Sadde Daahir Caanood Gulaafe ayaa waxaa dilay dablay hubaysan oo u gashay wadada isku xirta Caabudwaaq & Balanballe xili uu halkaas ku safrayey.

Sidoo waxaa dhaawac  halis ah weerarkaas loogu geystay mid ka mid ah dadkii la socday taliyaha ee safarka kula jiray kaasoo loola cararay degmada Caabudwaaq.

Weerarkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaan ceelasha oo ku taalla inta u dhexeysa Balanbale & Caabduwaaq, waxaana goobta ka baxsaday dableydii weerarkaas fulisay.

Dilkan ayaa loo badinayaa inuu la xariiro dilalka aanooyinka qabiil ee ku soo laablaabta deegaannada Galmudug meelo ka md ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu abuuro xiisad dagaal.

Sadi Canood oo Ka imid Ahaa ilaada Khaaska Madaxweyne ku xiggenka Galmudug Ayaa goordhow waxa lagu dilay inta u dhaxeysa Balanbale iyo Caabudwaaq.

Related posts

Haweeney loo magacaabay Gudoomiye Degmo katirsan G/ Banaadir iyo Isbedel socda

Cabdi Cade

Garoonka dayuuradaha Addis Ababa oo la xiray iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Getachew Assefa oo Cabsi galin iyo Hanjabaad joogta ah ku heyn jiray Madaxweynaha DDSI

Cabdi Cade
Taboola Ads ---