Dowlada oo soo dhaweysay Go’aankii Musharaxiinta ku baajiyeen Banaan baxii beri

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa galabta shaaciyay in ay baajiyeen banaan bixii lagu waday in beri oo sabti ah ka dhacdo magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku eedeeyeen in dowlada balantii ka baxday ayna xirteen wadooyinka Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya si weyn usoo dhaweeneyso go’aankii ay musharaxiinta ku baajiyeen banaan bixii la qorsheeyay.

”Walaalheyn maanta waxa ay ku dhawaaqeen iyaga oo tix galinaya daruufo jira ama caafimaad ama wax kasta saas ayey ku dhawaaqeen,aad iyo aad ayaan usoo dhaweeneynaa  in maanta garteen in dadka Soomaaliyeed arimo uga muhiimsan banaan bax sida arimo caafimaad in ay jiraan, dowlada aad ayey usoo dhaweeneysaa uguna bogaadineysa ” ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka amniga kahor inta aan mudaharaadka baajin musharaxiinta in ay jireen arimo la isku fahmi waayay sida cida sugeysa amaanka goobta banaan baxa ka dhacayo, waxa uuna sheegay Wasiirka in dowlada masuuliyad ka saaran tahay amaanka kuna adkeesteen in iyaga looga dambeeyo amaanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa galabta ciidamo aad u badan soo dhoobtay wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana la sheegay in dowlada ugu tala gashay in  si farsameesan u fashiliso banaan baxa musaharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -