Allbanaadir.com
NEWS

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qaraxyo ay diyaarinayeen

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeeaha Dhaxe, ayaa sheegaya in xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab xalay ku geeriyoodeen qaraxyo nuuca miinada ah oo ay diyaarinayeen, kaddib markii ay qaraxyadaasi si lama filaan ah iyaga ugu qaraxday.

Xubno katirsanaa Al Shabaab , ayaa la sheegay in qaraxyada miino ku diyaarinateen deegaanka Bursha Sheekh ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, qaraxyadan ayaana xubnihii diyaarinayay iyaga ku qaraxday, waxaana kasoo gaartay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ay maqleen jugta qaraxa miino ee ku qaraxday raggii diyaarinayay, waxa ayna xuseen in ay arkeen xubno qaraxyadaasi ku dhintay iyo kuwa kale oo dhaawacyo culus kasoo gaartay oo goobta laga qaaday.

Kooxda qaraxii ay diyaarinayeen ku qaraxday ayaa qorshahoodu ahaa in ay miinooyinkaasi ku aasaan wadooyin ay isticmaalaan ciidanka dowladda iyo dad shacab ah, hasa ahaate kooxdaasi ayaa dhagartii ay maleegayeen iyaga dib ugu soo laabatay.

Al Shabaab, ayaa marar badan khasaarooyin kala duwa kala kulmay qaraxyo ay diyaarinayeen oo iyaga ku qaraxday, waxa ayna inta badan miinooyinka ay kooxdan waddooyinka ku aasaan khasaarooyin kasoo gaartay dad shacab ah oon waxba galabsan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duulimaadyadii Tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo isbedel ku imaanayo

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Geelle oo la kulmay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo joojiyey shir xubno ka tirsan Mucaaradku ku lahaayeen Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---