Duulimaadyadii Tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo isbedel ku imaanayo

Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay amartay in la hakiyo duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana shirkadaha diyaaradaha lagu wargaliyay go’aankan cusub ee soo baxay.

Diyaaradaha rakaabka ka qaada Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ayaa si toos ah uga degi jiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, hasa ahaatee diyaaradaha ayaa hada kadib kusii hakan doona garoonka diyaaradaha Wajeer.

Shirkadaha diyaaradaha ee u duula dalka Kenya qaarkood ayaa rakaabkooda ku wargaliyay in duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi uu ku yimid isbadal ayna hada kadib kusii hakan doonaan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wali lama oga waxa keenay go’aankan dowlada Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, mana jiro wali wax war ah oo ku aadan go’aankan oo kasoo baxay dalka Kenya.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa Duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi waxa uu ahaa mid toos ah kadib markii Dowladii uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud kala heshiisay dowlada Kenya in in la joojiyo duulimaadka kusii hakada Wajeer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -