(Sawirro) Madaxweyne Geelle oo la kulmay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar gaaban ku soo gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.

Qoorqoor ayaa ka mid ah madax kala duwan oo Soomaali ah, kuwaasoo maalmahan ku sugan magaalada Jabuuti, iyagoo u tagay ka qeyb galka shirar iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka qeyb galaya xaflad aroos oo halkaas ka dhaceysa taasoo ay isku guursanayaan gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti oo la yiraahdo Heybado Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xildhibaan Saadaq John oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka Somalia.

Waxaa sidoo kale arooskaas lagu marti qaaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -