Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay xarun si casri ah loo dhisayo (Sawirr)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah, taas oo ay yeelan doonto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Xamse Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha, isaga oo bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xasan oo weeraray Farmaajo & Wararkii ugu danabeeyay dhibkii ka dhacay Gobalka Awdal ee Somaliland!!

Caydiid Ali

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah iyo Ganaax lacageed ku riday Wariye Gurbiye

Cabdi Cade

Ciidamo booliis ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---