Ciidamo booliis ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Maxamed Lafta Gareen iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Xasan Maxamed Xijaar ayaa si wadajir tababar ugu soo xiray ciidamo kamid noqonaya booliiska Koonfur Galbeed.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray oo gaaraya 400-askari ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa tababar uga socday magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo diyaariyay in ay ka shaqeeyaan amaanka deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa kula dar daarmay ciidanka tababarka loo soo xiray in ay u shaqeeyaan shacabkooda kana ilaaliyaan waxa uu ugu yeeray cadawga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar ayaa dhankiisa farey ciidamada in looga baahan yahay in waxyaabihii la barey ay ugu adeegaan Bulshada ay mas’uulka ka yihiin,kana hortagaan falalka lidiga ku ah Amniga.

Ciidamadan cusub ee kamid noqonaya booliiska Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in dhawaan la geeyo deegaano uu maamulkaasi ka taliyo si ay uga howlgalaan qeybna uga noqdaan ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -