Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Tiro madaafiic ah ayaa maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaar kamid ah madaafiicdaasi ay ku dhaceen gudaha xarunta .

Madaafiicdan oon la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa qaarkood ku dhacay banaanka xarunta Xalane halka kuwa kalana u gudbeen gudaha xarunta Xalane, lamana oga ilaa hada wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaasi.

Ma ahan markii ugu horeesay oo lagu weeraro xarunta Xalane Madaafiic, waxaana horey xaruntaasi loogu weeraray madaafiic khasaaro kasoo gaartay dad ku sugnaa gudaha Xalane .

Xarunta Xalane ee kutaala garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan taliska ciidamada AMISOM, safaaradaha reer Galbeed iyo shirkado badan oo reer Galbeed ah, xaruntan ayaana ah mid amaankeeda si weyn loo adkeeyo.

Related posts

Isra’il oo warqado cusub ku daadisay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Ciidamada PSF oo nolosha ku qabtay labo nin oo Ajnabi ah oo ka badbaaday Duqeyn

Cabdi Cade

Erdogan: ” Waa in Maxkamada dembiyada ee ICC la horkeenaa Netanyahu”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---