Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Magaalo Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marin caalami ah (Maxay ku muteysatay)

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa shaacisay in magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka daryeelka carruurta u wanaagsan.

UNICEF ayaa intaas ku dartay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha.

“Tan iyo 2014 waxay magaalada dhaqan gelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay UNICEF.

Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay Miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka.

Maamulka ayey sheegtay UNICEF iney miisaaniyada caafimaadka iyo waxbaashada gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar halka ay 2014kii ka aheyd $40,000 oo doolar oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Pier Mario Daco

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Foolxumo weyn ku tilmaamay go’aankii golaha Guurtida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---