Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil 7 jir ah oo sanad gudihiis si fudud ku sameeyey 22 Milyan oo dollar (Daawo Sawirro)

Wiil 7 sanno jir ah oo ka faallooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay inuu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeyay sanadkan barta Youtube sida ay qortay majalladda Forbes.

Ryan ayaa ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul kaasoo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun dollar.

Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isagoo hela lacag dhan $20 milyan dollar.

Wiilkan oo la weydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa sheegay inuu madadaaliyo ayna ka heleen majaajiladiisa.

Sanadkii 2015-kii ayuu kanaalkiisa sameeyey wiilkan yar muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Caruus dilay aroosadii uu guursan lahaa, hooyadeed iyo dad kale oo marti ahaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisada ka taagan Somalia

Caydiid Ali

Isbitaalka taqasusiga ah ee DALMAR oo xarun labaad ka furtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---