Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo & Shariif oo ka hadlay geerida Axmed Saleebaan Dafle

Madaxdii hore ee DF Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Shariif shiikh Axmed ayaa ka hadlay tacsina ka diray geerida ku timid Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada Somalia ahna taliyihii ugu horeeyey uguna waqtiga dheeraa  nabad sugida Qaranka Marxuum Axmed saleebaan Dafle oo xalay ku xijaabtay dalka Oman.

HOOS KA DAALACO QORAALKA LABADA MADAXWEYNE

Shariif Shiikh Axmed

Waxaan tacsida la qaybsanayaa qoyskiisa, ehelka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed geerida ku timid aasaasihii ugu horreeyey ee sirdoonka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, S/Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle).

Alle ha u raxmadee wuxuu Dafle caan ku ahaa qibrad iyo waaya aragnimo sirdoon isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska hay’addaha Amniga Qaranka.

Waxaan Allaah u weydiinaynaa inuu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa islamarkaana samir iyo iimaan ka siiyo carruurtiisa, qaraabada, asaxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Maxaned C/llaahi Farmaajo

Waxaan tacsida iyo murugada geerida la qaybsanayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Marxuum Janaraal Axmed Saleebaan Cabdalle (Dafle) oo maanta ku geeriyooday dalka Cummaan.

Marxuum Axmed Saleebaan Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Janaraal Axmed Saleebaan Cabdalle oo ka mid ahaa aas-aaseyaasha  Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed iyo taliyihii ugu horreeyey, waxa uu muddo ka shaqeynayey amniga qaranka Soomaaliyeed iyo horumarinta laamaha amniga dalka.

Alle ha u naxariisto Janaraalka, Jannadii Firdowsa ha ka yeelo hoygiisa, ummadda Soomaaliyeed, ehelka iyo Ciidanka Qalabka Sida ee uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo

 

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo wax ka bedelay Xeer ay muddo dheer ka doodayeen

Cabdi Cade

Aqoonyahan Caan ah oo si naxariis daro ah u dilay gabar yar uu Jeclaa !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Tel aviv oo caawa gubaneysa “Xamaas oo 130 gantaal ku garaacday”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---