Aqoonyahan Caan ah oo si naxariis daro ah u dilay gabar yar uu Jeclaa !!

Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Ruushka kuna xeel dheer taariikhda ayaa lagu helay dambi ah in uu si naxariis daro ah u dilay gabar yar uu macalin usoo noqday sidoo kale jaceyl kala dhaxeeyay.

Barafasor Oleg Sokolov oo 63 jir ah ayaa qirtay in uu dilay gabadha ay saaxiibka ahaayeen ee Yeshchenko, oo 24 jir aheyd, waxaana lamaanahan la sheegay in uu soo dhax galay muran xoogan .

Ciidamada booliiska ayaa ninkan aqoonyahanka ah kasoo qabtay meel wabi ah xili boorso ay ku jireen qaar kamid ah xubnaha jirka gabadha uu dilay doonayay in uu wabiga ku daro, waxa ay sidoo kale booliiska gurigiisa kasoo heleyn xubno kale oo gabadha jirkeeda ah.

Ninka dilka geestay ayaa caan ka ahaa dalka Faransiiska uu macalin ka ahaa , waxaana ninkan horey Faransiiska uga helay abaal marino uu ku helay buugaag uu qoray iyo aqoonta dheer uu taariikhda u leeyahay.

Barafasor Oleg Sokolov ayaa booliska baaritaanka wada u sheegay inuu saaxibaddii uu dilay xilli ay arrin dhaxdooda ah isku qabteen kaddibna uu madaxa ka jaray, lugaha iyo gacmahana uu ka gooyey.

Dilaagan ayaa ahaa nin taariikhda aqoon dheer u leh wuxuu qoray buugaag badan oo taariikh ah oo la xiriira Napoleon, wuxuu sida oo kale uu filimaan badan oo la soo saaray uu ka noqday la taliye dhinaca taarikhda ah.

Aqoonyahankan dilka geestay ayaa xubin muhiim ah ka ahaa Machadka Cilmiga Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Faransiiska (Issep), waxaana dhamaan laga qaaday jagooyinkii machadkaasi uu ka hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -