Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo u digay Muwaadiniintiisa u safraya Mareykanka

Shiinaha ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa inay si buuxda u qiimeeyaan khataraha ka hor inta aysan u safrin Mareykanka, iyada oo la tixraacayo xaaladda amni iyo xumaanta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Beijing ayaa sare u qaaday canshuuraha badeecooyinka Mareykanka ilaa 84%, iyadoo jawaab uga dhigaysa canshuuraha 125% ee Mareykanku ku soo rogay Shiinaha.

Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha waxay sidoo kale liiska shirkadaha aan lagu kalsoonaan karin ku dartay 6 shirkadood oo Mareykan ah.

Xiisadda ganacsi ee u dhexeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa cirka isku shareertay, taasoo keentay hoos u dhac suuqyada saamiyada caalamka.

Dadka Shiinaha qaar ayaa walaac ka muujiyay in canshuuraha is-daba joogga ahi ay horseedi karaan dagaal dhab ah oo ganacsi, inkasta oo ay sidoo kale muujinayaan taageero buuxda oo ay u hayaan dowladooda.

 

Related posts

Galmudug oo War cusub ka soo saartay Howlgalada Koonfurta Mudug ka socda

Caydiid Ali

Diyaarado maanta weerar ku qaaday magaalada Moscow iyo Ruushka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Kheyre oo ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---