Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Kheyre oo ka tacsiyadeeyay

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ku geeriyooday Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo mudooyinkii lasoo dhaafay xanuunsanaa.

Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxa uuna wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya dowladii kacaanka ahaa intii u dhexeysay 1969 illaa 1977.

Ra’isul Wasaarihii hore ee  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka, waxa uuna Kheyre si gaar ah ugu tacsiyadeeyay qoyska iyo umada Soomaaliyeed uu ka baxay Cumar Carte.

”Waxaa isoo gaartay geerida Allah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa Reysul wasaarihii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaan qoyska reer Carte Qaalib iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed la qeybsanayaa dareenkeyga murugada leh ee ku aadan geeridaas naxdinta leh, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan bahweynta ku abtirsata isirka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Kheyre.

Geerida ku timid ilaah ha u naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa sidoo kale tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan iyo siyaasiyiin caan ah kuwaa oo ilaah uga baryay marxuumka in janadii fardowsa ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -