Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne

Qarax ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Somalia lagula eegtay degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino la aasay ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugida halka mid kale uu ku dhaawacmay sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen

Ciidamada ayaa qaraxa ka dib furay rasaas fara badan taasoo aan la xaqiinin khasaaro ka dhashay, sidoo kale Ciidamada aya sameeyey howlgallo baaritaano ah.

Meydka askariga dhintay iyo midka ku dhaawacmay qaraxa Miino ayaa la gaarsiiyey Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,  Al-shabaab iyo maamulka gobolka ayaan labadaba ka hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaan istaraatiiji ah oo ka tirsan Sh/dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka bedeli kartaa digniinta DF ka soo saarta dilalka ciidamadu u geystaan shacabka Muqdisho ?

admin
Taboola Ads ---