Allbanaadir.com
NEWS

Xog kasoo korortay Sababtii soo dedejisay Is Casilaada Wasiirkii Warfaafinta

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo uu hayay, waxa uuna sababta is casilaadiisa ku sheegay kala aragti duwanaan soo dhax gashay isaga iyo madaxda sare ee dowladda

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in is casilaada deg deg ah ee Wasiirka Warfaafinta Daahir Geelle ku timid kadib markii uu helay xog ku aadan in xil ka qaadis lala damacsan yahay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu damacsanaa in uu xil ka qaadis ku sameeyo saacadaha soo aadan Wasiirka Warfaafinta Daahir Gelle, hasa ahaatee Wasiirka oo helay xogta xil ka qaadista ayaa si deg deg ah ku shaaciyay in uu is casilay.

Sida aan xogta ku helnay Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Daahir Geelle ayaa mudooyinkii dambe la sheegay in uu ka dhax jiray is fahmi waa, waxaana wasiirka lagu tuhmayay in wada shaqeyn dhaw la lahaa siyaasiyiin dowlada mucaarad ku ah.

Ra’isul Wasaare Kheyre in xil ka qaadista Wasiirkii Warfaafinta in uu diyaarinayay waxaa cadeyn u ah sida deg dega ah uu ku magaacaby Wasiirkii bedeli lahaa Daahir Geelle, waxaana Durba Kheyre buuxiyay booskii uu baneeyay Daahir Geelle.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa marar badan horey xil ka qaadis aysan fileyn ugu sameeyay wasiiro katirsanaa Xukuumadiisa, wasiiradaasi qaarkood ayaana warbaahinta iyo baraha bulshada ka arkay in xilka laga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qalbi Dhagax oo caawa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Rabshado ka dhan ah Natiijada Doorashada oo ka bilowday Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Khamenei oo shaaciyey labo dal oo abaabaulay dhicitaankii Asad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---