Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo saakay la wareegay Deegaan Al Shabaab joogeen

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  oo garab ka helayay  kuwa dadka deegaanka, ayaa saakay oo Arbaco ah hawlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen  deegaanka Geel-gub ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, deegaankaas oo gacanta ugu jiray kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah, ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Ceel-gub ay joogeen dagaalyahannada Al Shabaab , waxa ayna ciidamada u suurto gashay in halkaasi ka saaraan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka hoggaamineysa , ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Ceel-gub oo wali socda khasaarooyin badan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab, ayna wali sii eryanayaan firxadka kooxdaasi.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka , ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada shalay dagaal xooggan la galeen kooxda Al Shabaab oo ay ku weerareen deegaanka Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo qaabilay musharaxii sida weyn uga guuleestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaaska Taliye Sirdoon oo la sameeyay iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Guddiga Wadaagga ah ee Somalia iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---