Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo qaabilay musharaxii sida weyn uga guuleestay (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Muuse Biixi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay , waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo si qurux badana ugu wareejiyo xilka Madaxweynaha iyo qasriga uu hadda ku sugan yahay.

Magaalada Hargeysa waxaa hadda ka socota qaban qaabada  munaasabad weyn uu xilka kula wareegi doono Madaxweynaha cusub ee maanulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan maanta ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ,waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay dadaalo ay sameesay Xukuumada Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaqdhaqaaqyo ciidan & xiisad caawa laga dareemay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Shariif oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirka Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---