Allbanaadir.com
NEWS

Xaaska Taliye Sirdoon oo la sameeyay iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Xaaska taliyaha ciidamada sirdoonka ee dalka Ukraine, Lt. Gen. Kyrylo Budanov ayaa sheegay in la sumeeyay, waxaana hadda la dhigay xaaska taliyaha isbitaal weyn oo lagula tacaalayo xaaladeeda.

Afhayeenka ciidamada sirdoonka Ukraine ayaa xaqiijiyay in la sumeeyay Marianna Budanova oo ah xaaska taliyaha sirdoonka, waxa uu intaa ku daray in ay sidoo kale jiraan dad kale oo iyana la sumeeyay oo xaaladooda lala tacaalayo.

Kama hadlin afhayeenka sirdoonka  in taliyaha ciidanka sirdoonka Ukraine uu kamid yahay dadka la sumeeyay, mana sheegin afhayeenka cidda ka dambeysay falkan sumeynta ah ama lagu tuhmayo .

Jeneraalka xaaskiisa la sumeeyay ayaa madax ka ah hay’adda sirdoonka ee magaceeda loo soo gaabiyo DIU ee Ukraine, oo door weyn ka qaadata mararka qaar fulinta howlgallada ka dhanka ah ciidamada Ruushka, ka dib duulaankii lagu qaaday magaalada Moscow bishii Febraayo ee 2022-ka.

Dowladda Ruushka ayaana lagu tuhmayaa in ay ka dambeeysay falkan lagu sumeeyay xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine iyo dad kale, dowladda Ukraine ayaana dhankeeda sheegtay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda falkan ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018 Qore: Abdulkadir Ali Bolay 

admin

Ciidanka Dowladda oo Mubaarak ka fuliyay howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalami ah oo looga hadlayo shidaalka Africa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---