Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo sabab u noqday in balaayiin dollar khasaaraan Elon Musk iyo Mark Zuckerberg

Shabakadda Bloomberg, ayaa ku warrantay $208 Bilyan oo khasaare ah inay la kulmeen bilyaneerrada ugu lacagta badan reer galbeedka, maalintii koowaad ee canshuurta uu soo saaray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Khasaarahan ayaa la tilmaamay inuu yahay midkii u sarreeyay ee hal maalin dhacaya tan iyo wixii ka dambeeyay muddadii lagu jiray fayriska COVID-19 iyo khasaarihii ugu badnaa oo hal maalin ay taariikhrada la kulmayaan bilyaneerrada caalamka xilligan ugu hantida badan.

Waatan sida ay khasaaraha u kala gaartay bilyaneerada caalamka;

• Mark Zuckerberg, ayaa la kulmay khasaaraha ugu badan wuxuuna lumiyay hal maalin $17.9 bilyan , halka shirkadiisa maamusha baraha bulshada ee Facebook iyo Instagram ee Meta ay la kulantay hoos u dhac 9%.

• Jeff Bezos, wuxuu khasaaray $15.9 bilyan, waxayna la kulantay shirkadiisa Amazon hoos u dhac 9%.

•Elon Musk, wuxuu khasaaray $11 bilyan oo ka dhalatay hoos u dhaca ay la kulantay shirkadiisa Tesla.

• Bernard Arnault, maalqabeenka u dhashay Faransiiska wuxuu khasaaray $6 bilyan, kaddib hoos u dhaca ay la kulantay shirkadda uu hoggaamiyo ee Louis Vuitton.

• Tobi Lütke iyo Ernest Garcia , waxay la kulmeen khasaare u dhaxeeya $1.4–1.5 bilyan , kaddib markii shirkadahooda Shopify iyo Carvana ay la kulmeen hoos u dhac 20%.

Waxaa sidoo kale khasaaro badan la kulmay bilyaneero kale oo daafaha caalamka kunool, kuwaa oo saameyn xooggan ku yeelatay canshuurta cusub uu kordhiyay Madaxweyne Donald Trump.

 

Related posts

(Sawirro) Rooble oo amar deg deg ah siiyey laamaha amaanka ka dib weeraradii xalay

Caydiid Ali

Saraakiisha dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali

(Akhriso) Madasha Xisbiyada Qaran oo taageero u muujisay Guddoomiyaha aqalka Sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---