(Akhriso) Madasha Xisbiyada Qaran oo taageero u muujisay Guddoomiyaha aqalka Sare

Madasha Xisbiyada Qaran waxay si buuxda u taageereysaa go’aanka uu Aqalka Sare uu kaga yimid wax ka beddel la sheegay in lagu sameeyey xeerarkii ay guddiga Wadajirka ah ee BFS u gudbiyeen guddoonka labada aqal kuna saabsanaa dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer federaal.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xusay in la been abuuray xeerarka uu maalmahan ka doodayay golaha shacabka, kuwaasoo qaarkood la ansixiyay, isagoo ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xildhibaanada loo qeybiyay dokumenti ka duwan nuqulkii ay soo diyaariyeen guddiga wada jirka ah e labada aqal balse hadalka Gudoomiyaha aqalka sare waxaa beeniyey senataro kale oo taageersan Xukuumada iyo golaha shacabka qaabka uu wax wado.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADASHA XISBIYADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -