Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo sheegay xiriir ka dhexeeya Al-Shabaab & Xuutiyiinta

Mareykanka ayaa sheegay inay xaqiijiyeen kooxda Al shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ay xiriir toos ah la leedahay kooxda Xuutiyiinta Yemen xilligana ay sare u kacday khatarta kooxda al shabaab sida uu maanta u sheegay taliyaha howlgalka Afrika ee ciidanka Mareykanka (AFRICOM) , Jen. Michael Langley—guddiga adeegga hubka ee golaha Senate-ka Mareykanka.

Jen. Michael Langley, waxaa kaloo uu guddiga u sheegay inuu Mareykanka ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Al shabaab , isagoo intaa ku daray; “ Madaxweynaha iyo xoghayaha difaaca waxay i siiyeen awood la ballaariyay oo suuragelinaysa si xooggan oo dhaqso ah inaan u beegsano oo garaacno.”

Mareykanka wuxuu u muuqda inuu la qaatay dawladda Soomaaliya, walaaca ay ka muujisay dhaqdhaqaaqa soo cusboonaaday iyo khatarta Al shabaab, iyadoo hadalka uu ku soo aadday xilli warbaahinta maxalliga ah ay ku warramayso inay Soomaaliya qeyb ka noqon karto duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, markaasoo ay Soomaaliya qaadanayso doorka bixinta saldhigyo istaraatiji ah oo laga weerarrayo ama lagala soconayo kooxda Xuutiyiinta Yemen, inkastoo aysan saraakiisha Soomaaliya xaqiijin.

Related posts

Dr.Dufle oo bulshada uga digay qatarta Caafimaad ee cudurka Cagaarshowga (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaalad cusub oo ku soo korortay khilaafka ka taagan Masjidka Soomaalida ee Amsterdam

Caydiid Ali

Xildhibaano si kulul uga hadlay xariga Guddiga dhismaha wadada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---