Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xasuuq arxan daro ah ka wada Gaza (Sawirro)

Israa’iil oo gudaha Qaza ka wada xasuuqii ugu ballaarnaa tan iyo intii ay colaadu ka bilaabatay  degaankaas .

“Tobanaan Falastiiniyiinta  ah oo shuhado ah  oo lagu xasuuqay Gaza iyo Khan Younis.

Israa’iil ayaa ku wargelisay dadka Jabalia in ay banneeyaan

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa Talaadadii aynu soo dhaafnay  sheegtay in 326 qof oo Falastiiniyiin ah la soo gaarsiiyay  isbitaallada Gaza  taas oo ka dhalatay  xasuuqa ay Israa’iil ka waddo dhulkaasi.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayay ku sheegtay: “326 shahiid ayaa ilaa hadda (08:00 GMT) la gaarsiiyay isbitaallada Gaza, kadib weerarro iyo xasuuqyo kala duwan oo Israa’iil geysatay

Wariyaha Al-Jazeera ayaa sheegay in 41 Falastiiniyiin ah ay shahiideen kaddib duqeymo joogto ah oo Israa’iil ka wadday magaalooyinka Khan Younis iyo Gaza saaka oo Khamiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa dadka ku wargeliyay in ay banneeyaan xaafado cusub oo ku yaalla Jabalia iyo Beit Hanoun, oo ka tirsan waqooyiga Gaza.

Magaalada Gaza gudaheeda, telefishinka Al-Aqsa ayaa sheegay in 15 shahiid la geeyay Isbitaalka Al-Ma’maadani, kaddib markii duqeyn lagu burburiyay dhisme dhan oo ku yaalla waddada Al-Mansoura ee xaafadda Shuja’iyya.

Waxaa sidoo kale la  xaqiijiyay in saddex qof ay shahiideen, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen kadib duqeyn Israa’iil ay ku beegsatay guri ku yaalla xaafadda Al-Yarmouk ee bartamaha Gaza.

Magaalada Deir Al-Balah ee bartamaha Gaza, afar Falastiiniyiin ah ayaa shahiiday, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii duqeyn lagu beegsaday gaari booliis. Waxaa shahiiday saddex askari oo booliis ah iyo ilmo wadada marayay. Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalka Shuhadaa’ Al-Aqsa.

Dhinaca magaalada Khan Younis ee koonfurta Gaza, wariyaha ayaa laga soo werinayaa in 10 qof ay shahiideen, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib duqeyn Israa’iil ay la beegsatay guri iyo teendhooyin ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa deegaanka Al-Katiba ee waqooyiga magaaladaas.

Duhurnimadii Arbacadii, duqeyn Israa’iil ay ka geysatay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA, oo ku taal bartamaha xeryaha qaxootiga ee Jabalia, ayaa waxaa ku shahiiday 22 qof, oo ay ku jireen 9 carruur ah.

HOOS KA DAAWO XASUUQA KU SOCDA REER GAZA

Related posts

Xasan Shiikh oo tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada xun uu qaatay Abiy Axmed

Cabdi Cade

Qarax weyn oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xildhibaan cusub oo Baydhabo lagu doortay iyo Musharaxii la tartami lahaa oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---