Qarax weyn oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax aad xoogan ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay gudaha magaalada iyo meelaha ka baxsan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka garoonka Ciyaaraha Eng. Yariisow oo ku yaalla degmada C/caiis ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid jawaan laga soo buuxiyey oo la dhigay meel ku dhow garoonka Eng. Yariisow.

“Ciidamada ayaa qarxiyey miinada ka dib markii dadka degaanku ku soo wargeliyeen in laamiha la dhigay jawaan ay ka shakiyeen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amaanka DF oo intaas ku daray miinada ay aheyd mid weyn oo la doonayey in dhibaato badan lagu geysto.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay iney dadka iyo gaadiidka ka fogeeyeen goobta ay taalay miinada, ka hor inta aan la qarxin sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -