Kulan lagu xusuusanayey dadkii ku dhintay qaraxii Shamo oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Iyadoo shalay oo taariikhdu aheyd 3-da Disembar 2018 ay ku beegneyd sanadguuradii 9aad ee ka soo wareegtay qaraxii ka dhacay hotelka Shamo sanadkii 2019 ayaa xus arintaas ku saabsan waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo lala beegsaday xaflad qelin qebin ah oo loo qabanayey arday ka baxday Jaamacada Benadir ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan oo isugu jiray Wasiiro ka tirsanaa dowladii KMG aheyd, arday, masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Benadir, waalidiin iyo dad kale oo dhamaantood ka soo qeyb galay xafladaas, waxaana ku dhaawacmay qaar kale oo badan.

Munaasabadan lagu xusuusanayey, looguna ducaeynayey dadkii ku dhintay qaraxaas oo ay soo agaasimeen aqoonyahano Soomaaliyed ayaa waxaa lagu casuumay, xubno ka tirsan aqalka sare, masuuliyiin ka kala socotay, ururada bulshada rayidka ah, Jaamacada Benadir iyo xubno kale.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Benadir C/raxmaan Xasan Cumar oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabadan ayaa sheegay in qaraxaas dhibaatooyin saameyn kala duwan yeeshay ay ka dhaxashay Jaamacada balse, ILAAHAY mahadiis ay ka soo kabatay inkastoo dad qiime badan ay ku weysay.

“Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) oo ka mid ahaa asaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada Benadir ayaa ka mid ahaa dadka qiimaha badan ee aan musiibadaas ku weynay, Maamulka Jaamacadu wuxuu ugu magac daray Kambusyadeeda kan ugu weyn oo hadda la yiraahdo (Dr.Shahiid Campus), si loogu xusuusto kaalintii uu kaga jiray bulshada” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay   Guddoomiyaha golaha bulshada rayidka Soomaaliyeed Diini Maxamed Diini oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira dalka iyo sida ay u saameeyaan bulshada isagoo xusay in Soomaalidu aysan casharo ka baranin waxyaabaha soo mara sidaas awgeedna weli dhibaatooyin badan ay ka jiraan.

“Bahda waxbarashada iyo dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, sidaas awgeed waxaan ugu baaqayaa dhinacyada siyaasada isku haya iney xaq dhowraan oo ay nabad geliyaan maxaa yeelay iyagu cidma cadow kuma ahan umadda ayey horumarkeeda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Diini oo ku bogaadiyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Benadir sida dhabar adeyga leh ee ay uga soo gudbeen musiibadii Shamo.

Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn ka codsaday ka soo qeyb galayaasha iney faatixada u akhriyaan una duceeyaan dhamaan dadkii ku naf waayey musiibadii ka dhacday Hotel Shamo, isagoo dhinaca kale ka waramay aasaaskii Jaamacadda Banaadir sababihii keenay,  marxalidihii ay soo martay.

“Jaamacadda Banaadir koox dhaqaatiir ah oo aan ka mid ahaa ayaa dhidibada u aasay sanadkii 2002 ka dib markii aan aragnay in muddo 12 sano ah oo burbur lagu jiray aysan ka jirin dhaqaatiir ka soo baxday Jaamacado kuwii dalka joogayna ay noqdeen wax dhintay iyo wax dibeda u cararay ayaa waxaan ku fekernay inaan abuurno jiil cusub oo dhaqaatiir ah, kuliyadda Caafimaadka oo 20 arday aan ku bilownay ayaana lagu aasaasay jaamacada, haddana 11 kuliyadood ayaan gaarsiinay” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadii ugu darneyd ee Jaamacadda soo martay ay aheyd qaraxii hotel Shamo xili arday qelin jebisay loo sameynayey xaflad, wuxuuna xusay in qaraxaas ay jaamacaddu ku weysay dhaqaatiir uu ka mid ahaa Dr. Shahiid, arday, waalidiin, macalimiin iyo xubno kale ayna kaga dhaawacmeen qaar kale.

“Markii uu dhacayey qaraxaas  anigaa xaflada ka khudbaynayey, runtii dhacdadaas saameyn ayey nagu yeelatay hase ahatee nagama leexinin hadafkeenii ahaa inaan umadda wax u reebno, nagamana niyad jebinin, si jaamacadu aysan u burburin inteenii badbaaday  waxaan buuxinay kaalintii ay baneeyeen macalimiintii iyo dhaqaatiirtii dhintay iyo kuwii dhaawaca ahaa dedaal badan ayaana ku bixinay ILAAHAY waa nagu guuleeyey, kuliyada caafimaadka intii ay jirtayna waxaa ka qelin jebisay ku dhowaad kun dhaqtar” ayuu yiri Prof. Dufle oo sheegay in dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo waxtarka bulshada awgeed ay u soo mareen ay sababeen in shacabka Soomaaliyeed iyo ururada caalamiga ah ay ka helaan taageero iyo abaal marino.

Xubnihii kale ee ka hadlay xuskan ayaa waxaa ka mid ahaa Drs. Caasho Kablow oo ka mid ah macalimiinta Jaamacada Benadir, hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka mid ahaa dadkii 9 sano ka hor ku dhaawacmay qaraxii Shamo, Caasho Cabdi Diini oo ka mid ahaa bulshada rayidka, Shiikh Cali Wajiis oo ka tirsan culimaa’udiinka Soomaaliyeed, guddoomiyaha dallada SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -