Qodobo la isku mari waayay kulamo xasaasi ah oo ay yeesheen Farmaajo, Kheyre iyo Mursal ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulamo xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedeeaalka.

Kulamadan ka dhacay Madaxtooyada ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa kala diristii Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada golaha shacabka iyo sidoo kale xiisada ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka biyo diidan wali kala daristii guddiga maaliyada golaha shacabka waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha ka careesan yahay faragalinta Xukuumada ay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku heleyno gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Farmaajo iyo kheyre u sheegay in sharci daro tahay kala darista Guddiga Maaliyadda iyo sidoo kale ciidamadii dhawaan dowlada geysay Baydhabo, waxa uu sidoo kale Mursal ka hor yimid cadaadiska dowlada ku heyso Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur .

Wadahadalo la isku soo laabtay saacado badana qaatay ayaa lagu soo waramayaa in hada xoogaa isku soo dhawaansho uu jiro, Gudoomiye Mursal ayaana la sheegay in uu ogolaaday kala dirista Guddiga Maaliyada balse waxa uu kasoo horjeedaa faragalinta doorasaha KG.

Gudoomiye Mursal ayaa Farmaajo iyo Kheyre u sheegay in khalad lagu heesto Abuu Mansuur uuna xaq u leeyahay in uu tartamo, waxa uu sidoo kale madaxda u sheegay in masuuliyada ay qaadi doonaan hadii ay dhibaato abuuraan ciidamada la geeyay Baydhabo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda sare ee dalka u balameen kulamo kale oo lagu dhameenayo mad madowga jira, lamana oga go’aanka ugu dambeeya ay isku raaci doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -